Maamulka dawladda Suuriya ayaa shalay Sabtidii ku dhawaaqay in la xiray sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray xukuumadii la riday ee Bishaar Al-asad, kaas oo jago hoggaamineed ka soo qabtay laanta sirdoonka ciidamada cirka ee gobolka Xalab ee waqooyiga Suuriya.
Guddoomiyaha gobolka Dayr-asuur ee ugu magacaaban maamulka cusub ee Suuriya ayaa bartiisa uu ku leeyahay Telegram-ka soo dhigay war qoraal ah oo uu ku sheegay in ay laamaha amaanku gacanta kusoo dhigeen Sarreeye Guuto Saalax Maxamed Basiis oo horay uga tirsanaan jiray taliskii la riday.
Waxa uu intaas ku dartay in Basiis uu hore usoo qabtay jagada ku xigeenka madaxa sirdoonka ciidamada cirka ee gobolka Xalab, isaga oo hormuud ka ahaa ol-ole balaaran oo lagu dhibaatayn jiray dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalkaas.
Ninkan la xiray ayaana deegaan ahaan kasoo jeeda tuulada Cayaash oo ka tirsan gobalka Dayr-asuur, hase ahaatee wax tafaasiil ah lagama bixin qaabkii loosoo qabtay, in kastoo laamaha amaanka ee Suuriya ay xoojiyeen dabagalka ay ku hayaan xubnihii qaybta ka ahaa xasuuqii uu Bishaar Al-Asad ka gaystay Suuriya.
Tan iyo markii la afgambiyay nidaamkii mujrimka ahaa ee Bashaar Al-Asad dabayaaqada sanadkii ina dhaafay ee 2024-ka, ciidamada dawladda Cusub ee Suuriya ayaa xarumo u furay askartii ka tirsanaa taliskii hore si ay isugu soo dhiibaan ayaga iyo hubkooda, hase ahaatee diidmada qaar kamida saraakiishii nidaamka ayaa dhalisay inay dhacaan iska hor imaadyo culus oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kuwaas oo ugu dambayntii lasoo afjaray.