Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsHogaanka Sare ee Al-Qaacida oo Bogaadiyay Guusha Muslimiinta Qazza. .

Hogaanka Sare ee Al-Qaacida oo Bogaadiyay Guusha Muslimiinta Qazza. [Bayaan].

Bayaan kasoo baxay Hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida islamarkaana baahisay mu’assasada warbaahineed As-Saxaab, ayaa lagu bogaadiyay guusha weyn ee ay gaareen Muslimiinta Qazza, kuwaasoo sanka dhulka ugu jiiday Yahuudda, kuna qasbay iney ogolaadaan heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo lagu dulleeyay Yahuudda.

Furfurasho kadib waxaa bayaanka As-Saxaab ay baahisay lagu yiri “ Waxaan ugu hambalyeyneynaa ehelkeena kunool Qazza iyo walaalaheena Mujaahidiinta ee sharafta badan, guusha weyn ee ay kasoo hooyeen macrakada Dhuufaanul Aqsaa, waxaan Alle uga mahadineynaa inuu xoojiyay quluubta dadka ribaadka kaga jira Filastiin, kadibna uu siiyay guushan weyn, kadib markii ay soo martay habeenno adag, oo ay taabatay dhibaatada, gaajada iyo xanuunka, heer ay yiraahdeen, goormee ayay imaaneysaaa guusha Allaah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta AlQaacida.

Wuxuu bayaanku isdul taagay mafaahiimta guusha iyo nasriga, marka wax lagu bidhaansanayo Quraanka kariimka, waxaana lagu yiri “ Umadeena aan jecelnahay, mafaahiimta Qur’aaniga ee Nasriga waxaa kamid ah, inuu Alle adoomihiisa waafajiyo sugnaanta, astaamaha guushaasi ee ka muuqada Qazzada masaajidda iyo Quraanka ku asteysanna waxaa kamid ah, inuu Alle fashiliyay damicii cadowga, oo aaney xaqiijin wax kamid ah hadafkii ay usoo duuleen, way ku hungoobeen iney hubka ka dhigaan ragga wax iska caabinta, wayna fashilantay rajadoodii ahayd iney ka takhalusaan Mujaahidiinta, siina gumeystaan Qazza, iyo in maxaabiista Muslimiinta kusii heystaan xabsiyadooda, kuwa iyaga la heystana ay xoog ku furtaan, amaba in reer Qazza ay ka barakiciyaan guryahooda” ayaa lagu yiri bayaanka ay baahisay mu’assasada warbaahineed As-Saxaab.

“ Waxaa intaa sii dheer iney Yahuuddu u hogaansameen shuruudaha dadka jihaadaya, oo cadowga gaarsiiyay dil iyo gumaad badan, dhibaatada Qazza gaartay ee isuga jirta dilka iyo abaartana, waa nasri weyn iyo iney heleen labada wanaag midood, Alle waxaan u weydiineynaa inuu shuhadadooda ka aqbalo, dhaawacooda bogsiiyo, kuwooda xanuunsanna caafiyo, faqiirkooda iyo daciifkoodana u naxriisto” ayaa lagu yiri bayaanka.

Halkan kala deg- Warbixin Bayaanka Hogaanka Al-Qaacida ee Guusha Qaza

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.