Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay howlgal qorsheysan iyo weerar toos ah ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Baay iyo Sh-hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
Haddaan ku horreyno gobalka Baay, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab howlgal qorsheysan ku qaadeen, sarkaal katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed ee degmada Buurhakaba.
Weerarka ayaa lala beegsaday hoyga uu degmada Buurhakaba ka dagan yahay taliye ku xigeenka ciidanka maamulka la baxay Koonfur-galbeed ee degmadaas ninka lagu magacaabo Cismaan Kaara-biin.
Sarkaalka ayaa si dirqi ah kaga badbaaday weerarka lagu doonayay in isaga lagu khaarajiyo, balse waxaa lagu dilay 2 kamid ah istaafkiisa halka lagu dhaawacay mid kale.
Sidoo kale habeenkii xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xero ay askarta Shisheeyaha Uganda ku leeyihiin deegaan katirsan gobalka Sh-hoose.
Weerarka ayaa lala beegsaday xerada ciidamada shisheeye ee Uganda ku leeyihiin, degaanka Laanta-Buuro ee gobolka Sh-hoose, illaa iyo haddana ma aanan helin tafaasiil ku aaddan weerarkaas.