Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, kaas oo lagu beegsaday askari katirsan Dowladda Fedaraalka.
Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay askarigaan ku toogteen gudaha degmada Afgooye.
Askariga la dilay oo lagu magacaabo Aweys Ibraahim Isaaq ayaa waxa uu si gaar ah uga tirsanaa ciidamada Sirdoonka Dowladda Fedaraalka.