Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo ah taliyihii hore ee ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday dilkii maalintii shalay loo geystay, Gaashaanle sare Nuur Farey oo ahaa taliyihii guutada 14ka October ee ciidamada Dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay in dilka ninkaas uu aad u taabtey, kana naxay, isaogo sheegay inuu kamid ahaa saraakiisha ugu muhiimsan ciidamada Dowladda Federaalka.
Wuxuu tilmaamay iney isku dhexmilanyihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo dad uu cadow ku tilmaamay, taasina ay keeneyso in weeraro qorsheysan ay dhacaan.