Wakaaladda wararka ee Iiraan ayaa sheegtay, in mas’uuliyiinta dalkaas ay magaalada Qum ku xireen 22 qof oo lala xiriirinayo inay wada-shaqayn la leeyihiin hay’adaha sirdoonka ee kayyaanka Yahuudda, kuwaas oo lagu soo qabqabtay halgallo ay ciidamada amaanka ee dowladda Shiicada Iiraan ka sameeyeen magaaladaas intii lagu guda jiray 8 maalin ee uu socday dagaalka.
Horaantii Jimcihii, wakaaladda wararka ee Tasniim ayaa shaaca ka qaaday, in la xiray basaas kasoo jeeda waddamada Yurub, kaas oo lagu qabtay Koonfur-galbeed ee dalka Iiraan isaga oo doonayey sida ay sheegeen inuu Yahuudda u basaaso gooba xasaasi ah oo ka tirsan dalkaas, iyadoo aan la shaacini dalka uu sida gaar ah uga kasoo jeeda baaskaas iyo taariikhda la qabtay.
Sidaas oo kale dowladda Iiraan ayaa doraad oo Khamiis ahayd ku dhawaaqday, in xabsiga loo taxaabay 24 qof oo lagu eedeyay inay basaasiin u ahaayeen Yahuudda, sida lagu sheegay war ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan ee Tasniim.
Arintaan ayaa muujinaysa sida ay basaasiinta Yahuudda ugu dhexmilmeen waddan Iiraan, kuwaas oo loo badinaya inay dowr wayn ka qaateen sarakiishii Iiraan ee ay Yahuuddu laysay bilowgii dagaalka.
Dhinaca kale, diyaaradaha Dronesta ee dowladda Iiraan ayaa weeraro culus ka fuliyay deegaannada Yahuuddu xooga ku heystaan ee Filastiin barqanimadii maanta, waxaana nidaamka difaaca cirka ee Yahuudda uu qirtay inuu ku fashilmay ka hortaga ugu yaraan 4 diyaaradood oo drones ah, kuwaasoo ku dhacay guryo ay deganyihiin dad Yahuud ah.