Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsIiraan oo Ku Hanjabtay inay Weerari Doonto Xarumaha Nukliyeerka ee Yahuudda.

Iiraan oo Ku Hanjabtay inay Weerari Doonto Xarumaha Nukliyeerka ee Yahuudda.

Kadib markii dowladda Iiraan ay dhawaan ku dhawaaqday, inay heshay xog sirdoon oo xasaasi ah oo ku saabsan xarumaha Nukliyeerka ee Yahuudda, ayaa waxa ay ku hanjabtay inay weerari doonto xarumahaas haddii la bartilmaameedsado xarumaheeda Nukliyeer, iyadoo sidoo kale waa Iiraane ku goodisay, inay hormarin doonta hubkeeda Nukliyeer ah.

Taliyaha ilaalada Kacaanka ee Iiraan ninka lagu magacaabo Xuseen Salami ayaa isagoo wax ku dhisanaya xogta sirta ah ee ay heshay Tehraan ku goodiyay, in gantaaladooda ay noqon doonaan kuwo si sax ah u beegsada hadafkooda, waxa uuna mas’uulkaas intaa ku daray, in guushaasi sirdoon ee ay xaqiijiyeen ay mar kale dhabarjab weyn ku keentay awoodda sirdoon ee uu  sheeganayay gumaystaha Yahuudda.

Sidoo kale, golaha ammaanka qawmiga ah ee Iiraan ayaa sheegay, in helista xogta sirta ah ee xarumaha Nukliyeerka ee Yahuudda ay ka dhigi doonto jawaabtooda mid sax ah.

Taas bedelkeeda, agaasimaha guud ee hay’adda tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah ninka lagu magacaabo Raafaa’iil Guruusi ayaa u sheegay wargeyska Jiiruusalaam Post, in Iiraan ay ku wargelisay in haddii Yahuudda ay weerarto xarumaheeda Nukliyeerka ay gacmaheeda kusoo jiidatay hoog iyo halaag.

Raafaa’iil waxa uu intaa ku daray, in Iiraan ay sidoo kale ku wargelisay inay hormarinayso hubkeeda Nukliyeerka ah ama ay ka baxayso heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka haddii Yahuudda ay soo weerarto, waxa uunu carrabka ku adkeeyay mas’uulkan, in barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan uu qoto dheer yahay, isla markaana uu yahay mid aad loo adkeeyey, haddii la maago in la burburiyana uu u baahan yahay awood xoog leh oo burburisa.

Kanaalka 14 ee Yahuudda ayaa sheegay, in raysul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu iyo Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam ay ka wadahadleen arrinta Nukliyeerka Iiraan iyada oo ay jiraan wada-xaajoodyo u dhexeeya Waashitoon iyo Tehraan. Taraam ayaana shalay sheegay, in Iiraan ay dalbaneyso waxyaabo aan la fulin karin, ayna raadineyso tayeynta Yuraaniyowmkeeda, isagoo xusay, in arrinta Iiraan iyo arrimo kale uu kala hadlay ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benyamiin Netanyaahu.

Warbaahinta Yahuudda ayaa sidoo kale ka soo xigatay ilo dhanka ammaanka ah oo sheegaya, in Yahuudda aysan aqbali doonin suurtagalnimada in tayeynta Yuraaniyowmka Tehraan ay ku sii socoto dhulka Iiraan muddo dheer.

Iiraan iyo Mareykanka ayaa yeeshay shan wareeg oo wadahadallo ah oo saldhanada Cumaan ay dhexdhexaadinaysay tan iyo bishii Abriil, balse wareegyadaasi kama soo bixin qodobo wax ku ool ah oo qanciya labada dhinac.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.