Iyadoo dhawaanahaan danbe ay soo baxayeen warar ku saabsasan hub ka dhigis lagu samaynayo ururka Shiiciga ah ee isugu yeero Xizbullaah, kana dagaalama dalka Lubnaan, ayaa waxaa qorshahaasi si kulul uga hadlay dowladda Iiraan, gaar ahaan safiirkeeda u fadhiya dalkaas, nin lagau magacaabo, Mujtabaa Amaani.
Amaani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa, “X” ku yiri, “mashruuca hub ka dhigista waa shirqool cad oo ka dhan ah dowladaha, iyadoo Maraykanku sii wado inuu siiyo Yahuudda hubkii iyo gantaaladii ugu dambeeyay, ayuu haddana dhanka kala ka hortagtayaa wadamada inay hubeeyaan oo ay xoojiyaan ciidamadooda, halka waddamada qaarna uu ku cadaadinayo inay yareeyaan ama gabi ahaanba burburiyaan hubkooda isagoo adeegsanaya marmarsiiyo kala duwan.”
Safiirka Iran ayaa intaa ku daray, in marka ay dalalka isu dhiibaan dalabaadka hub ka dhigista, ay u nuglaadaan weerar iyo gumaysi, isagoo tusaale usoo qaatay waddama hore oo ajiibay baaqa hubka ka dhigista kadibna lala wareegay, sida Ciraaq iyo Liibiya.
Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Haddii aan nahay jamhuuriyadda Iiraan waanu ka warqabnaa khatarta uu leeyahay shirqoolkan iyo khatarta uu ku hayo ammaanka shucuubta gobolka, waxaana uga digaynaa dadka kale inay ku dhacaan dabinka cadawga”.
Geesta kale, Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay, in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Yuusuf Rajaa uu doonayo inuu u yeero safiirka Iiraan u fadhiya Lubnaan, si uu ugala hadlo hadalladaan uu Baraha Bulshada ku faafiyay wasiirkaas kuna saabsan hub ka dhigista ururka Shiiciga ah ee Xizbullaah, ee ay taageerto dowladda Shiicada ee Iiraan.
Madaxwaynaha Lubnaan ninka lagu magacaabo Joozeef Cawn ayaana Sabtidii hore sheegay, in arinta hubkadhigista Xizbullaahi ay tahay arin lama huraan ah, oo dhawrayso nabadda dadka rayidka ah, waa sida uu hadalka u dhigayee, waxa uuna carrabka ku adkeeyay, in mas’uuliyadda arinkaasi uu isaga dusha u iradanayo.
Si kastaba ha ahaatee ururka Shiiciga ah ee labaxay Xizbullaah ayaa ku burburay dagaalkii uu la galay Yahuudda, iyadoona mid mid loo ugaarsaday hogaamiyaashiisii ugu saraysay, halka arinta hubka dhigistiisana ay tahay dharbaaxa kale oo ku wajahan saamaynta Iiraan ee Bariga Dhexe, kadib markii uu burburay nidaamkii Suuriya ee Bashaar Al-Asad, kaas oo ahaa xaaliifkii ugu waynaa ee ay Tehraan ku lahayd gobalka.