Habeenkii xalay xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa waxa ay qaaday weerar jawaab celin ah, kaas oo ay ku beegsaday dhulka uu xoogga ku heysto maamulka gumeysiga Yahuudda oo ay ugu horreyso magaalada Tel-Aviv.
Inta illaa iyo hadda la ogyahay waxaa weerarkaas Yahuudda looga dilay 3 Sahaayino ah, kalka dhaawacuna uu ku dhaw yahay 100 kale, waxaana intaa dheer burbur baaxadleh oo soo gaaray magaalada Tel-Aviv, kaas oo ay Yahuuddu ku tilmaameen kii ugu xumaa abid ee ay martigaliso magaaladaas.