Saturday, June 14, 2025
HomeAll NewsIiraan oo Weerar Jawaab Cellin ah ku Qaaday Tel-Aviv iyo Yahuud ku...

Iiraan oo Weerar Jawaab Cellin ah ku Qaaday Tel-Aviv iyo Yahuud ku Dhaawacantay Weerarkaas.

Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa weerar culus oo jawaab celin ah ku qaaday maamulka Yahuudda, iyadoo sawaariikh culus ku garaaceysa magaalooyinka ay xoogga ku heysato Yahuudda oo ay ugu horreyso magaalada Tel-Aviv.

Wargeyska Hartis ee uu leeyahay maamulka Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday, in xukuumadda Shiidada ah ee Iiraan ay 100 gantaal kusoo weerartay dhulka ay xoogga ku heystaaan Yahuudda.

Kanaalka 13 ee Sahaayinada ayaa dhankiisa sheegay, in dab uu ka kacay meel udhaw xarunta wasaaradda difaaca ee uu maamulka Yahuudda ku leeyahay magaalada Tel-Aviv.

Ugu yaraan 21 ruux oo Yahuud ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen, gantaallada ay xukuumadda Siicada ah ee Iiraan ku qaaday magaalada Tel-Aviv.

Warbaahinta Yahuudda ayaa xaqiijisay in burbur aysan horay u arag ay marti galineyso magaalada Tel-Aviv ee ay caasimadda ka dhigteen Sahaayinada.

Waxaa la xiray wadooyinka magaalada Tel-Aviv, iyadoona halkaasi lagu baahiyay gawaari badan oo ah kuwa Ambalaasta.

Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan waxa ay dhankeeda sheegtay, in howlgal ay fulisay ay kusoo riday 2 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay maamulka Yahuudda, gacantana ay ku dhigtay mid kamid ah duuliyayaashii diyaaradahaas.

Balse Afhayeen uhadlay ciidamada Yahuudda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, sheegashada Iiraan ee ah iney soo riday diyaarad ay Sahaayinadu leeyihiin gacanta ku dhigtay duuliyihii ka xeynayay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.