Habeenkii xalay xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa waxa ay markale gantaallo culus ku garaacday magaalada Tel-Aviv ee ay caasimadda ka dhigteen Yahuudda.
Duqeymahaan oo lagu tilmaamay kuwii ugu cuslaa ee ay fuliso Iiraan ayaa waxa ay beegsadeen xarumo ku yaalla magaalada Tel-Aviv, muuqaallo la baahiyay ayaana muujinayay xajmiga gantaallada iyo khasaaraha ay geysteen.