Maxkamad ku taalla dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqay, inay xukum dil ah ku fulisay injineer u dhashay dalkaas oo lagu eedeeyay, inuu basaas u ahaa maamulka Yahuudda.
Wakaaladda wararka ee Mizan, oo ah warbaahinta garsoorka ee Iiraan, ayaa sheegtay in ninkaan oo lagu magacaabo Badraam Madani loo taxaabay xabsiga sanadkii 2020-ka, isaga oo lagu eedeeyay, inuu basaas u ahaa hay’adda sirdoonka Yahuudda ee Muusaad.
Waxayna intaasi ku dareen, in Badraam ka hor inta aan la xirin uu sanadihii 2020-ka illaa 2021-ka u safray dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin, uuna lacaga faro badan ku kasbaday waddo aan la garanaynin.
Maamulka Iiraan ma aysan cayimin goobaha lagu eedeeyay Badraam inuu u basaasay Yahuudda. Qoyskiisa ayaana sheegay, inuu Badraam ahaa injineer, iyaga oo aan caddaynin nooca shaqadiisa, waxa ayna maxkamadayniitasa ku tilmaameen mid ay ka buuxaan madmadow iyo khaladaad.