Warbixinno la helayo ayaa tibaaxaya in Dowladda Imaaraatka Carabta ay qalab casri ah oo Raadaar ah geysay goballada woqooyi bar ee Soomaaliya, halkaas oo uu gacanta ku hayo maamulka la baxay Puntland.
Qalabkaan ayaa waxaa si gaar ah looga dajiyay xarunta taliska ciidanka Badda ee maamulka la baxay Puntland oo ku dhagan saldhigga diyaaradaha magaalada Boosaaso, halkaas oo ay maamusho Dowladda Imaaraatka Carabta.
Ila wareedyo millatari iyo kuwa xagga sirdoonka ah ayaa sidoo kale laga soo xogtay xogtaan, waxaana jiritaanka arrintaan sii xoojinaya, muuqaallo iyo sawirro hawada sare laga duubay, maamulka Yahuudda oo dagaal kula jira maleeshiyaadka Xuuhthiyiinta ayaana umuuqda inuu soo dagay dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland sida ay xogaha qaar tilmaamayaan.
Nidaamkaan oo ah mid casri ah ayaa waxa uu qeyb ka yahay, farsamooyinka loogu tala galay ilaalinta hawada, ka hortaga madaafiicda, gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo adeegsado weerarada.
Tallaabadaan ayaa waxa ay abuurtay walaac xagga siyaasiyadda ah, waxaana si gaar ah arrintaan uga walaacsan Dowladda Fedaraalka oo aan wax xog ah ka heyn tallaabadaan cusub ee uu Imaaraatu ku keenay qalabkaan Raadaarka ah ee uu farsameeyay maamulka Yahuudda.
Tani ayaa muujineysa in Dowladda Fedaraalka aysan wax maamul ah ku laheyn deegaannada qaar ee Soomaaliya, halkaas oo ay ka arrimiyaan maamullo ka soo horjeeda siyaasaddeeda qaarkoodna ayba dagaallameen.
Waxa ay sidoo kale kusoo aadeysaa iyadoo mandiqaddaan istaraatiijiga ah ay waadayadii lasoo dhaafay xoogga saarayeen Dowladaha Reer-galbeedka iyo kuwa kale ee caalamka, si uu mid waliba u ilaashado nufuudda uu ku leeyahay mandiqadda wujuudna ku yeesho xeebaha Badda Cas.
Marka laga yimaado arrimahaas, waxaa sidoo kale jirta arrin kale oo halisteeda leh, taas oo ah cidda iska kaashaneysa tallaabooyinkaan oo kala ah Yahuudda iyo Imaaraaatka Carabta oo la ogyahay dhibaatooyinka ay ku hayaan caalamka Islaamka, si gaar ah Imaaraatka oo ufulinaya danaha Sahaaayinada ayaa waxa uu inta badan ku lug leh xasaraha ka taagan wadamada Muslimiinta, isagoona halkaasi ka dhisa maleeshiyaad calooshood-ushqeyataal ah oo fuliya danaha Yahuudda.