Wednesday, April 2, 2025
HomeAll NewsImaarada Islaamiga ah oo si Adag Uga Jawaabtay Amar Lagu Soo Qabanayo...

Imaarada Islaamiga ah oo si Adag Uga Jawaabtay Amar Lagu Soo Qabanayo Hogaamiyaheeda.

Maxkamadda loogu yeero ICC ee la sheego iney qaabishan tahay dembiyada Caalamiga ah ayaa soo saartay in warqad amreysa soo qabashada hogaanka Sare ee Imaarada Islaamiga ah, iyadoo ku eedeyneysa dacadiyo ka dhan ah haweenka, oo ay ku sheegtay inuu yahay fal dembiyeed kasoo horjeeda waxa ay ku sheegeen xuquuqda Aadanaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Islaamiga ah ee Afqaanistaan oo ka jawaabeysa hadalka kasoo baxay maxkamadda ayaa sheegtay, in amarkan uu yahay mid labo wejiilanimo ah oo ujeedooyin siyaasadeed laga leeyahay.

Warka kasoo baxay wasaaradda oo lagu daabacay barta X oo kamid ah baraha bulshada ayaa lagu yiri, ‘’ waxaa nasiib darro ah in hay’adani ay indhaha kallaabatay dembiyada dagaal iyo kuwa ka dhanka ah bani Aadannimada ee ay galeen ciidamada shisheeye iyo  xulafadoodii, intii lagu guda jiray labaatankii sano ee ay Afqaanistaan haysteen’’.

Wasiir ku xigeen wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaarada oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Khosti ee Bariga dalka Afqaanistaan ayaa yiri, ‘’ ICC nama cabsi gelinkarto’’.

Wuxuu intaasi ku daray’’ “Haddii ay kuwani ahaan lahaayeen maxkamado caddaalad ah oo dhab ah, waxay ahayd inay Maraykanka hor keenaan maxkamadda, maxaa yeelay Maraykanka ayaa sababay dagaallada’’.

Wasiir ku xigeenkan Maxammad ayaa horay usoo maray Xabsiga Guantanamo Bay ee ay dowladda Mareykanku ka dhistay dalka Cuba, waana halka ugu daran ee dadka xuquuqdooda meel looga dhaco islamarkaana kamid ah meelaha laga soo diiwaan geliyay tacdiyada ugu xun xun ee k dhacay Dunidan.

Imaarada Islaamiga ayaa dalka ka hirgelisay Shareecada Islaamka, waxaana cid weliba ay heshey xuquuqdii ay lahayd, laakiin reer galbeedka ayaa iyagoo doonaya in la dhaqan bedelo haweenka Muslimaatka waxay ku andacoodaan in haweenka aan loo ogoleyn waxbarashada.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Idaacadaan dad badan ayaa ku caafimaasay. Idaacadan Dadbadan ayaa xaqqa ku fahmay. Ninka soomaliyeed ee ku faraxsan inuu ku hoosnoolada meel aan kitaable lagu xukumin waa nin diidan iyo nin Dani baday. Waxaa ayana jira ninka dhahaya Sharciga qaar lagama fiirsan, saasna kitaabku maqabo, ninkaa halaga garboxo madaama uu kitaabka halaygaga gar helo taaganhay. Ninka gaalnimo dalka Ay ugu qabteen maraykan iyo inta jahanamo uraacday, ee teendho lagu waardiyeeyo. Nin nin gaal la ugaarsada weeye suubanaha iyo ŕisaalada waa diiday. Kaas iyo inta soomali laqaraabata bariis baa meesha kagalay ee wixii lasoo dumi Karo haloosoo dumo inta kale waxaan Kala helnaan leenahay. Waa gaal madoobaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.