Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsImaarada Islaamiga ah oo Sii Deysay Nin u Dhashay Dalka Canada oo...

Imaarada Islaamiga ah oo Sii Deysay Nin u Dhashay Dalka Canada oo ay Horay u Xiireen.

Dowladda Islaamiga ah ee Afqaanisaan ayaa xabsiga ka sii deysay askari hore oo udhashay dalka Canada, kadib muddo bilooyin ah oo uu xabsi ku jiray.

Ninkan oo in muddo ah ku sugnaa gudaha dalkaasi ayaa ka shaqeynayay falal ka dhan ah nidaamka Islaamiga ee meesha ka jira, waxaana lagu eedeeyay inuu tahriibinayay dadka Afqaaniyiinta ah, isagoo udirayay qaaradda Yurub.

Falkan ayaa la sheegay inuu ku howlanaa kadib markii ay Imaaradu la wareegtay dalka, waxaana la qabtay bishii November ee sanadki tegay, intii wixii ka dambeeyayna wuxuu uxirnaa Mujaahidiinta Daalibaan.

Ugu dambeyntii ninkan Canadiyaanka ah waxaa lagu sii dayay qaab wadahadal ah, lamana oga haddii ay Imaaradu ku bedelatay maxaabiis ka xirneyd iyo in kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.