War kasoo baxya wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa lagu sheegay, in iyaga iyo Mareykanka ay dhaafsiisteen maxaabiis ay kala hayeen.
Imaarada Islaamigaa ah ayaa sheegtay iney sii deysay muwaadiniin Ameerikaan ah oo ay ka gacanta ku heysay, dhankeeda loosoo daayay mid kamid ah dagaalyahannadeeda oo ku xirnaa xabsi ku yaalla gudaha Mareykanka.
Heshiis Maxaabiis isweydaarsi ah ayaa dhexmaray Imaarada Islaamiga iyo Dowladda Maraykanka, waxaana xabsiga Guwantanamo laga sii daayay nin lagu magacaabo Khaan Muxammad, halka Imaarada Islaamiga sii deysay labo muwaadin oo Ameerikaan ah.