Sunday, April 20, 2025
HomeWarka DibaddaIn Ka Badan 1 Malyan oo Suuriyaan ah oo la Dhibban Xanuunada...

In Ka Badan 1 Malyan oo Suuriyaan ah oo la Dhibban Xanuunada Nafsiga ah.[Warbixin]

Tiro aad u badan oo Suuriyaan ah ayaa wali ku nool saamaynta cudurro nafsi ah oo kala duwan oo ka dhashay sannadadii uu dagaalka ba’an ka socday dalkaas, waxaa intaas ka daran barakaca iyo xariga lagula kacay boqolaal kun oo abriyo ah, kuwaas oo maanta la’ildaran xanuuno nafsi ah, sida laga soo xigtay dhakhaatiirta takhasuska u leh cilmi nafsiga, waxayna sheegeen in dadka la dhiban xanuundan ay ka badan yihiin hal Milyan oo Suuriyaan ah, kuwaas oo aan helin wax daryeel caafimaad ah.

Tirooyinkan ayaa ka tarjumaya saameynta balaaran ee uu Nidaamkii Mujrimka ahaa ee Bishaar Al-Asad uu dalka ka gaysatay. Xanuunadan ayaana ku koobnayn oo kaliya jirka oo dadka daciifa xanuun awgiis, balse sidoo kale waxa uu dhaawac daran u gaystay dhimirka, taas oo keentay in jiil ka mid ah ay ku dhacaan dhaawacyo ay adag tahay in laga bogsado.

Khubarada takhasuska u leh xanuunadan ayaa xaqiijiyay kala duwanaanshaha calaamadaha nafsiga ah ee dadka qaarkiis, kuwaas oo horseedi kara waswaas nafsiyeed, ama xakamayn la’aan caqliyeed, halka qaar kalena ay qabtaan shaqooyin xad-dhaaf ah oo aan xakamayn caqliyeed la hayn.

Hase ahaatee tan ugu khatarta badan xanuunada nafsiga ayaa ah xaaladda dansanaanta oo ah, inuu qofku lumiyo awoodda go’aan qaadashada, kaddibna uu isku dayo inuu ka dhex baxo bulshada, ama uu ku fikiro inuu isdilo.

Khabiirka cilmu-nafsiga ee Shaima Harb ayaa aaminsan in caqabada ugu weyn aysan ahayn bixin la’aanta adeegyada caafimaad, balse ay tahay ku dhiirigelin la’aanta bukaanada inay codsadaan waxa ay ubaahan yihiin ee dawooyin ama talooyin ah. Iyadoo tilmaantay in aragtida bulshada ee xanuunka dhimirku inuu yahay ceeb, taasoo  keentay inay dad badan oo xanuunadan qaba ay aamusaan.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixinta oo dhameestiran.

Halkan ka Degso Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.