Monday, June 23, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 10 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Toogasho...

In ka Badan 10 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Toogasho Ka Dhacday Mareykanka.

Weerar toogasho ah oo khasaare badan geystay ayaa mar kale ka dhacday dalka Mareykanka, sida ay kusoo warameen warbaahinta dalkaas.

Weerarkan toogshada ah oo galabnimadii shalay si gaar ah uga dhacay magaalada Filadalfiyaa ee waddanka Mareykanka ayaa lagu dilay laba qof, halka lagu dhaawacay ugu yaraan sagaal kale, sida uu sheegay kanaal taabacsan shabakadda ABC Niyuus ee kasoo baxa dalkaas.

Ilo-wareedyo ka tirsan booliiska magaaladaas ayaa sheegay, in weerarkaan uu ka dhacay goob ay ku kulansanaayeen dad farabadan, iyagoo aanan tafaasiil dheeraad ah ka bixin qaabka uu weerarka u dhacay iyo cidda fulisay. Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa noqonaya kii saddaxaad oo ka dhaca gudaha Mareykanka Shan maalmood gudahood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.