Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 100 Xildhibaan oo Sheegay Iney Xilka ka Qaadayaan Aadan...

In ka Badan 100 Xildhibaan oo Sheegay Iney Xilka ka Qaadayaan Aadan Madoobe.[DHAGEYSO]

In ka badan 100 xildhibaan oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay iney xilka ka qaadi doonaan Aadan Madoobe ayna dooran doonaan gudoomiye cusub.

Xildhibaannadaan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegayaan iney diyaariyeen mooshin ka dhan ah Axmed Madoobe oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka.

Waxa ay ku goodiyeen iney xilka ka qaadi doonaan Aadan Madoobe islamarkaana dooran doonaan gudooomiye cusub, iyagoona eedeymo kala duwan ujeediyay gudoomiyahooda. Waxa ay ku eedeeyeen inuu xiray xarunta baarlamaaanka, kadib markii uu ka war helay inuu jiro mooshin isaga ka dhan ah oo ay diyaariyeen qaar kamid ah xildhibaannada.

Halkaan ka Degso Warka Xildhibaannada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.