Friday, April 18, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 15 Askari oo Dhimasho Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka...

In ka Badan 15 Askari oo Dhimasho Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Duleedka Aboorreey.

Dagaallo culus oo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maanta markale ka dhaceen duleedka deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan.

Intii ay socdeen dagaalladan, waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiis kala duwan, waxaa askarta Dowladda Fedaraalka ee jabay gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaasi looga dilay Dowladda Fedaraalka illaa 5 askari 11 kalena waa looga dhaawacay.

Ciidanka Dowladda Fedaraalka ayaa jab is dabajoog ah ka dhaxlay dagaalladii ay ka galeen degaanka Aboorreey, waxayna ku waayeen askar iyo saraakiil badan, halka qaar kale ay dhaawacyo la jiifaan isbitaallada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.