Dalka Al-Jeeriya ayaa lagasoo diwaan galiyay dhul go’a baahsan kaas oo dumiyay dhismayaal badan oo la daganaa, isaga oo sababay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 15 qof oo u badnaa caruur da’a yar ah, kuwaas oo daganaa guryaha ku dumay dhul go’a.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa shalay Axadii ku dhawaaqday, in ay dhinteen illaa 4 qof, halka ay dhaawacmeen 13 kale, kaddib markii uu dhul go’a baahsan uu dumiyay guryihii ay ku jireen, kaas oo ka dhacay xaafadda Bine ee magaalada Wahraan ee dhacda waqooyi-galbeed dalka Al-Jeeriya.
Shilkan oo dhacay subaxnimadii hore ee Axadda, ayaa sababay in ay dumaan shan ka mid ah guryihii ay ku sugnaayeen dadka wax yeeladu soo gaartay, dadka dhaawacmay ayayna da’adoodu u dhaxaysaa 12 illaa 75 jir, kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaas, sida ay sheegeen laamaha caafimaadka ee dalkaas.
Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo laga sameeyay baraha bulshada ee dalka Al-jeeriya, iyadoo qaar kamida dadku ay rumeysan yihiin in musiibadan ay daaha ka rogtay khatarta ka dhalan karta dhismayaasha ku yaalla meelaha u nugul dhul go’a, iyadoo ay dadku ku eedaynayaa in dawladdu ay ka gaabisay masuuliyadii ka saarnayd dadka danyarta ah ee aan awoodin inay dagaan goobo nabdoon.