Weerar culus oo isugu jira qaraxyo iyo rasaas toos ah ayaa lagu beegsaday saldhigyo iyo xarumo dawladeed oo ku yaalla Koonfur-galbeed dalka Kolombiya, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan afar qof oo labo kamid ah ay haayeen Askarta dalkaas, halka ay ku dhaawacmeen 12 kale, sida ay sheegeen laamaha booliska ee Kolombiya.
Weeraradan oo loo adeegsaday mootooyin lagasoo buuxiyay walxaha qarxa iyo diyaarado aan duuliye lahayn, ayaa gaystay burbur baaxad leh oo soo gaaray xarumaha la beegsaday.
Dawladda Kolombiya ayaana wajahaysa qalalaase siyaasadeed oo xooggan, taas oo ka dhalatay isku day dil oo dhawaan dalkaas loogu gaystay mas’uul u tartamayay jagada madaxtinimada ee Kolombiya.