Munaabsabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalin bedelanayeen dufcada koowaad ee ardayda machadka Al-Maahir, ayaa ka dhacday degaanka Jawaarrey ee gobolka Jubada Dhexe.
Xafladdan waxaa kasoo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin culimo waxgarad iyo mas’uuliyiin, waxaana ku qalinjabinayay arday gaaray 21 arday oo isugu jira wiilal yo gabdho.