Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay askarta Dowladda Fedaraalka oo galabta ka dhacay duleedka degaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay waxaana lagu dilay 5 askari, halka lagu dhaawacay 18 kale.
Dhanka kale dagaal lagu jabiyay askarta Dowladda Fedaraalka oo maanta ka dhacay duleedka degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askartii duulaanka ahaa.
Ugu yaraan halka askari ayaa lagu ddilay dagaalkaasi, halka lagu dhaawacay mid kale.
Tirada dhimashada ee ciidamada Dowladda Fedaraalka oo ku le’anaya dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa marba marka ka dambeysa sii kordheysa, waxaana liiska dhimashada ku biiraya askar iyo saraakiil hor leh.