Wararka ka imaanaya gobalka Lamu ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in kamiin dhaliyay khasaare culus lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobalkaas.
Kamiinka ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, kolonyada askarta Kenya oo ka baxay magaalada Sankuuro kuna sii jeeday magaalada Kiyuunga ee gobalka Lamu oo kamid a dhulalka Muslimiinta ee ay gumeysato Kenya.
Qarax xooggan ayaa waxa uu haleelay gaari Mutabiish ah oo qeyb ka ahaa kolonyada ciidamada Kenya, kaas oo dhaliyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa ciidamada Kenya qaraxaasi looga dilay in ka badan 21 askari, halka looga dhaawacay 11 kale.
Waxaa intaa dheer oo gabi ahaanba basbeelay gaariga Mutabiishka ah ee uu qaraxu haleelay, halka ay waxyeello xooggan soo gaartay gaari Cabdi-Bile ah oo qeyb ka ahaa kolonyada la beegsaday.