Sunday, July 13, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 20 Askari oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalalka...

In ka Badan 20 Askari oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalalka Burkiina-Faso Iyo Niger.

Wararka laga helayo wadamada Saaxilka Afrika ayaa ku waramaya in Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ay weerarro culus oo aad loo qorsheeyay ay si gaar ah ugu beegsadeen ciidanka milateriga dalka Burkiina-Faaso iyo maleeshiyaad ka hoos shaqeeya Askarta dalkaas, iyada oo sidoo kale ay mujaahidiintu bartilmaameedsadeen kolonyo ciidan oo ka tirsanaa dowladda Niijar. Dagaalladaas oo si isdaba joog ah u dhacayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa dhaliyay khasaare naf iyo hantiba leh oo aad u baaxad weyn, taas oo muujinaysa sii xoogeysiga weerarada ay qaadayaan guutooyinka jihaadiga ah ee ka dagaallama gobolka.

Weerarka ugu xooggan ayaa ka dhacay deegaanka Wurukuum, oo hoos yimaada gobolka Diidogho ee dalka Burkiina-Faaso. Halkaas oo ciidamada mujaahidiintu ay ku fashiliyeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadeen milateriga dalkaas. Inta la xaqiijiyay, waxaa  hawgalkaas afka ciida loogu daray 16 askari, waxaana lagu qabsaday hub culus oo ay ka mid yihiin 3 qori oo hoobiye ah, ku dhawaad 10 qori oo iskugu jira daba-jeexyo iyo Ak-47 iyo qalab kale oo badan.  Waxaa Sidoo kale dagaalkaas lagu burburiyay gaari gaashaaman iyo 21 mooto oo nooca laba lugooda ah, taas oo muujinaysa in dhabagalkan loo qorsheeyay si xeeldheer jab culusna lagu gaarsiiyay ciidamada Burkiina-Faaso.

Isla gobolka Diidughu ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusrtul Islaam Wal-Muslimiin ayaa fuliyay  Saddex hawgal oo xiriir ah oo lagu qaaday maleeshiyaad hubeysan oo hoos taga dowladda Burkiina-Faaso. Weerarka koowaad wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa tuulooyinka Mamusso iyo Warsuno, halkaas oo tiro maleeshiyaad ah lagu dilay, lana qabsaday 8 mooto, agab ciidan iyo qalab kale oo muhiim ahna lagu furtay, iyadoo sidoo kale la burburiyay mootooyin kale. Isla maalintaas, mujaahidiintu waxay weerareen xarun kale oo ku taalla tuulada Kindikui, halkaas oo lagu furtay hub kala duwan.

Weerarka Saddexaad ayaa ka dhacay deegaanka Gama, waxaana lagu dilay 6 ka tirsan maleeshiyaadkaas, iyada oo sidoo kale laga qabsaday agab ciidan oo kala duwan. Saddexdan weerar ayaa dhabaaxo kulul lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka caratuurka u ah ciidamada dalkaas.

Geesta kale, Dalka Niijar ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa weerar abaabulan ka  fuliyay gobolka Tillaeri. Weerarkan ayaa lala beegsaday gaari milatari oo ay wateen ciidanka Niijar, xilli uu marayay inta u dhexeysa deegaannada Samira iyo Bulkabo. Inkasta oo aan la shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha dhimasho, haddana waxay jihaadiyiintu war kooban oo ay soo saareen ku sheegeen inay gabi ahaanba burburiyeen gaariga ay wateen ciidamada la beegsaday, taas oo keenaysa in askartii saarnaa uu khasaare culus soo gaaray.

Hawgaladan isdaba joogga ah ee ay fulinayaan ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusrtaul Islaam Wal-Muslimiin ee ka socda waddamada Saaxilka Afrika ayaa si gaar ah banaanka usoo dhigay awooda istiraatiijiyadeed ee jihaadiyiinta, qorshahooda milatari iyo kartida ay u leeyihiin curyaaminta dhaqdhaqaaqyada militariga ee xukuumadaha Galbeedka Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.