Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday, xeebaha u dhaxeeya dalalka Al-Jeeriya iyo Spain, waxaana dhalinyaradaan oo tahriibayaal ahaa ay doonayeen iney gaaraan qaaradda Yurub.
Wararka ayaa tilmaamaya in dhalinyaradaan ay u socdeen dalka Spain gaar ahaan magaalada Baalma, iyagoona badda dhexdeeda ku jiray wax ka badan 28 maalmood halkaasna ay ku wajahayeen xaalado adag.
Mid kamid ah dadkii ugurmaday Dhalinyaradaan ayaa waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay, in ay doonta ka badbaadeen 2 ruux oo kaliya, islamarkaana ay geeriyoodeen in ka badan 20 dhalinyaro ah.