Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya, in saacadihii lasoo dhaafay ay xabsiga degmada Hodon ee gobolka Banaadir ka baxsadeen, maxaabiis kor udhaafaya 20.
Maxaabiistan ayaa ku eedeysanaa dembiyo kala duwan, waxaana la sheegay in kahor inta aysan baxsan jabiyeen darbiga xabsiga, sidaasina ay ugu suuragashay ka fakashada halkaas.
Wali Dowladda Fedaraalku meel kuma sheegto maxaabiistan, mana garaneyso meel ay jaan iyo cirib dhigeen, maadaama ay baxsadeen xilli habeen ah.
Fadeexad wayn ayuu maamulka gobolka Banaadir kala kulmay baxsashada maxaabiistan.
Halkaan ka Degso Warka Muqdisho