Tiro badan oo Masaari ah ayaa ku waxyeeloobay shil gaari oo ka dhacay woqooyiga dalka Masar, kaddib markii ay isku dhaceen labo bas oo siday dad rakaab ah, kuwaas oo marayay waddo mashquul badan oo ku taalla aagga Delt Niil, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Masar. Shilkan ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca illaa 20 qof, kuwaas oo qaar kamida xaaladooda caafimaad aad looga dayrinayo.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku dhintay illaa 9 qof halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo ay qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah. Goobta uu sida gaarka ah shilkan uga dhacay ayaa qiyaastii 80 kiiloomitir u jirta magaalada caasimada ah ee Qaahira.
Wasaaradda caafimaadka oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay, in dhammaan dadka dhaawacmay la gaarsiiyay xarumaha caafimaadka ee ku dhow halka uu shilku ka dhacay. Sawirro laga qaaday goobta oo lagu baahiyay barta Faysbuuga ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Masar ayaa muujinaya burburka baaxada leh ee gaaray labada gaasi.
Dhacdadan ayaa noqonaysa shilkii labaad oo isbuuc gudihiis ka dhaca dalka Masar, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof oo iskugu jiray dad rakaab ahaa iyo kuwo marayay wadada hareeraheeda, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo badbaadada gaadiidka ee waddooyinka dalkaas.
Dabayaaqada isbuucii ina dhaafay ayay ahayd marka uu dhacay shilkan khasaaraha badan dhaliyay, kaas oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 20 qof, kaddib markii gaari xamuul ah uu si xun ugu dhacay bas ay saarnaayeen tiro badan oo dumar ah.
Dalka Masar ayaa kamid ah dalalka inta badan ay ka dhacaan shilal gawaarida ee sababa khasaaraha ugu badan. Tirakoobyo kala duwan oo ay wasaarada gaadiidka ee dalkaas ku samaysay khasaaraha nafeed ee ka dhasha shilalka noocan ah ayaa sheegtay, in dalka Masar ay sanadkiiba kumanaan qof ku dhintaan wadooyinka, waxaana shilalkaas inta badan lagu eedeeyaa inay sabab u yihiin darawaliinta oo si xad dhaaf ah u kaxeeya gawaarida, waddooyinka oo aan intooda badab dayactirnayn iyo fulin la’aanta sharciyada waddo-marista oo ay inta badan dadku wax tix galin ah siinin.