Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 20 Qof oo ku Dhintay Daadad ku Dhuftay Bartamaha...

In ka Badan 20 Qof oo ku Dhintay Daadad ku Dhuftay Bartamaha Dalka Nigeria.

Roobab mahiigaan oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay dalka Nayjeeriya ee dhaca galbeedka Afrika.

Warbaahinnada dalkaas ayaa maanta sheegay, in daadad ku dhuftay bartamaha waddanka Nayjeeriya oo ka dhashay roobabka ay ku dhinteen 25 qof, halka in ka badan 10 kalena la la’yahay.

Wararka ayaa tilmaamaya, in daadadkan oo ah kuwa sii siyaadaya marba marka ka danbayso ay ka saramareen, in ka badan 50 guri, taasoo keentay inay gabi ahaanba baabi’iyaan guryihii iyo dadkii deganaa oo gudaha ku jiray. Kooxaha samatabbixinta ee waddanka Nayjeeriya ayaa sii wada dadaallada ay ku raadinayaan dad maqan ee ay daadadku qaadeen.

Roobabka oo ah naxariis ay u wada baahan yihiin dadka iyo duunyada ayaa mararka qaar geysta khasaarooyin kala duwan, taas oo ay sabab u tahay dunuubta iyo macaasida ay Aadamuhu galayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.