Wararka ka imaanaya dalka Nayjeeriya ee galbeedka Afrika ayaa lagasoo sheegaya, inuu ka dhacay shil baabuur oo galaaftay nolosha in kabadan 20 qof oo u dhashay dalkaas, xili uu wadanku la daalaadhacayo fatahaado waawayn oo galaaftay nolosha boqolaal qof, kuwaas oo gooyay wadooyin waawayn oo isku xira magaalooyinka dalkaas.
Shilkan ayaa ka dhacay waqooyiga Nayjeeriya, kaddib markii bas ay saarnaayeen dad badan uu shil ku galay buundo ku taalla waddada isku xirta magaalooyinka Kano iyo Zari’a, taas oo sababtay dhimashada 22 nin oo dhalinyaro ahaa.
Guddoomiyaha ismaamulka Kano oo uu shilku ka dhacay ninka lagu magacaabo Abba Kabiir Yusuf, ayaa xaqiijiyay in bas kaas oo sidday in ka badan 30 qof, uu shil adag ku galay buundo ku taalla gobalkaas, isagoo sheegay in sababta shilka ay u badan tahay daal iyo xawaare xad dhaaf ah oo uu ku socday darawalka gaariga kaxaynayay.
Qaar kamida dadka la socday gaariga shilka galay oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee gobalkaas, kuwaas oo qaarkood laga dayrinayo xaaladahooda caafimaad, sida ay warbaahinada la wadaagee ehelada dadkaas.
Shilalka waddooyinka ayaa kusoo badanaya dalka Nayjeeriya, taas oo ay ugu wacan tahay dhismaha wadoyinka oo liita. Sanadkii hore, tirakoob ay soo saartay hay’adda ammaanka waddooyinka ee Nayjeeriya ayaa lagu sheegay, in dalkaas uu ka dhacay shilala aad u badan, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 5,400 oo qof