Thursday, June 19, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 20 Ruux oo Lagu Dhaawacay Dibadbaxyada ka Socda Dalka...

In ka Badan 20 Ruux oo Lagu Dhaawacay Dibadbaxyada ka Socda Dalka Kenya.

Dibadabaxyadii maalmihii lasoo dhaafay ka ka socday dalka Kenya ayaa waxaa lasoo warinayaa iney geysteen khasaarooyin nafeed iyo kuwa hantiyeed.

Dibadbaxyada ayaa waxaa la sheegayaa iney ku dhaawacmeen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ay rasaas u adeegsadeen ciidamada Dowladda Kenya.

Hey’ad sheegata iney udoodo xuquuqda aadanaha oo ka howlgasha Kenya ayaa shaacisay, in dibadbaxyada ka socda dalkaas ay ku dhaawacmeen 22 ruux, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Gudoomiyaha hey’adda ayaa waxa uu sheegay, in ciidamada Booliska Kenya ay dibadbaxyaasha u adeegsadeen rasaas, sunta dadka ka ilmeysiisa iyo tacaddiyaad kale, isagoonaa cambaareeyay tasarrufaadka ciidamada Booliska.

Halkaan ka Degso Warka Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.