Deegaanno badan oo katirsan gobalka Wajeer ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka cillaacay xanuun lagu magacaabo Kalazaayr, kaas oo ay illaa iyo hadda u geeriyoodeen 26 ruux oo 10 kamid ah ay ku dhinteen xarumaha caafimaadka.
Bulshada ku dhaqan gobalka Wajeer oo ka walaacsan xanuunkaan ayaa waxa ay sheegeen, in xanuunku uu ku dhex faafayo dadka, ciddii uu soo ritana aysan haleynin daryeel caafimaad.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in cudurkaan uu inta badan dhasho xilli roobaayaadyada, si gaar ahna looga qaado goobaha biyo fariisadka ah.