Faahfaahin ayaa laga helayaa camaliyaddii nafhurnimada aheyd ee maalintii shalay lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa Uganda, taas oo ka dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa beegsaday kolonyada ciidamada Shisheeye ee Uganda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid.
Xogihii ugu dambeeyay ee laga helayo camaliyadda ayaa tilmaamaya, in ugu yaraan 14 askari oo Yugandhees ah oo uu ku jiro sarkaal lagu dilay weerarkaas, halka lagu dhaawacay 7 kale.
Waxaa sidoo kale camaliyadda nafhurnimada ah ku dhintay 6 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo la socday kolonyada ciidamada Shisheeye.
Gaadiid ay wateen ciidamada Uganda ayaa sidoo kale lagu gubay camaliyadda, kuwaas oo kala ah:
1- Gaari Taangi ah
2- Gaari Tow ah.
3- iyo gaari Taangi Xambaar ah, waxaana sidoo kale waxyeello ay soo gaartay gaari kale oo Taangi ah oo ay wateen ciidamada Shisheeye ee Uganda.