Sunday, June 22, 2025
HomeAll NewsIn ka badan 200 Boqol oo Qof oo 2 Maalin Gudahood Ku...

In ka badan 200 Boqol oo Qof oo 2 Maalin Gudahood Ku Shahiiday Duqeymaha Yahuudda ee Qazza.

Kayaanka Yahuudda ee uu majaraha u hayo mujrimka dhiigyacabka ah ee lagu magacaabo Binyamiin Netanyaahu ayaa halkiisa kasii wado duqeymaha iyo madaafiicda ay ku garaacayaan dadka marasta ah ee ku nool marinka Qazza, iyaga oo si qorsheysan u beegsanaya dadka rayidka ah, gaar ahaan kuwa gaajaysan ee ku sugan goobaha huwan magaca  gargaarka bani Aadantimo ee ay gacanta ku hayso shirkad ay leeyihiin Mareykanka iyo Yahuudda.

Tirada dadka ku shahiiday xarumahaas shirqoolka ah tan iyo markii la bilaabay ayaana gaartay 450 qof  iyo dhaawaca 3,466 kale, halka 39 qofna noolal iyo geeri lagu la’yahay, sida uu galabnimadii shalay shaaciyay xafiiska warbaahinta ee maamulka marinka Qazza.

Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda inkasto oo uu weerarro xooggan kala kulmaya dhinaca dowladda Shiicada Iiraan, haddana waxa uu xoojiyay duqeymihiisa cadawtooyo ee uu ku gumaadaya dadka rayid ah ee marinka Qazza iyo burburinta guryahooda.

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in 48 saacadood gudahood  isbitaallada Marinka ay qaabileen, in ka badan 200 oo shahiid ah iyo dhaawaca 1,037 kale, kuwaas oo ku shahiiday ama ku dhaawacmay duqeymaha laayaanka ah ee uu gumaystaha Yahuuddu ka wado marinka Qazza.

Dhanka kale, Ciidamada Yahuudda ayaa kordhiyey hawlgalkooda millatari ee ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto, iyaga oo sii wada fulinta qorshayaasha lagu burburinayo guryaha rayidka, oo ay weheliyaan weerarro, xarig, iyo xadgudubyo aad u xoogan oo ay shacabka Falastiiniyiinta kala kulmayaan Yahuudda lagu deggeneyay halkaas oo taageero ka helayo ciidamada Sahaayinada.

Ciidamada Yahuudda ayaa shalay dib u bilaabay howl-gallo ay ku burburinayaan guryaha rayidka ee ku yaalla xerada qaxootiga Jiniin ee ku taalla waqooyiga Daanta Galbeed ee gumaysiga Yahuudda ku hoos jirta, iyagoo beegsaday 95 dhismayaal dabaqyo ah oo la deggan yahay oo ka koobnaa ku dhawaad ​​300 oo guri, taasoo ka mid ah howlihii ugu ballaarnaa ee ay xeradaasi ku burburiyeen.

Tan iyo markii uu billowday howlgallada ay ciidamada Yahuudda ka wadaan aaggaas shan bilood ka hor, waxaa la dumiyay boqollaal dhismayaal la degganaa, taasoo keentay inay  barakacaan kumanaan Falastiiniyiin rayid ah.

Ciidamada gumaystaha ayaa burburin tan lamid ah ka wada xerada qaxootiga ee Nuuru Shamsi iyo Dul-karam ee Daanta Galbeed, iyadoo qorshahan uu qeyb ka yahay qorshe uu kayyaanka Yahuuddu ku dhawaaqay bishii Meey ee la soo dhaafay, kaas oo si sabab la’aan ah lagu burburinayo 106 dhismo oo ku yaalla xerooyinka qaxootiga Jiniin iyo Nuuru Shamsi.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.