Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maaanta ka dhaceen, duleedka deegaanka Aboorrey oo hoostaga degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.
Dagaallada ayaa waxaa muddo 3 jeer ah lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana ka dhashay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaan lagu dilay 14 askari kuwaas oo 3 kamid ah meydadkooda looga cararay goobta dagaalka, halka dhaawacuna uu yahay 20 askari.
Askartaan oo doonayay iney weerar kusoo qaadaan deegaanka Aboorrey ayaa waxaa si adag uga hortagay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana deegaanka Aboorrey iminka si buuxda gacanta ugu haya ciidanka Al-Shabaab.