Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 30 Askari oo Dhimasho & Dhawaac ku Noqday Dagaallo...

In ka Badan 30 Askari oo Dhimasho & Dhawaac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Sh-dhexe.

Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka oo ay wehliyaan maleeshiyaad ayaa waxa ay maanta ka dhaceen gobalka Sh-dhexe.

Dagaallada ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe, waxaana ciidamada huwanta ah lagu jabiyay in ka badan 9 jeer.

Barqanimadii maanta ayay soo billawdeen dagaalladaan culus ee maanta ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe, kuwaas oo soo gaaray illaa galabta.

Ugu yaraan 14 askari oo katirsan ciiddanka Dowladda Fedaraalka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalladaas, halka lagu dhaawacay 21 kale.

Dagaalladaan ayaa kusoo aadaya iyadoo ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda si weyn loogu jabiyay, dagaallo mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Beerayabaal ee gobalka Hiiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.