Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 30 Ruux oo ku Dhimatay Shilal ka Dhacay Dalka...

In ka Badan 30 Ruux oo ku Dhimatay Shilal ka Dhacay Dalka Mexico.

Dhimasho iyo dhaawac aad ufarabadan ayaa ka dhashay shilalkan gaadiid oo ka kala dhacay Koonfurta iyo Waqooyiga dalka Mexico, waxayna ka dhasheen gawaari basaas ah.

Sida ay ku dhawaaqday dowladd Mexico, shilalkan labada ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 32 ruux, mid kamid ah shilalkan ayaa ka dhacay gobolka Dorinqo ee dalkaasi, wuxuuna yimid kadib markii ay isku dhaceen Bas ay saarnaayeen 24 ruux oo rajaab ah kana ymid  dhanka Mareykanka iyo gaari kale.

14 ruux ayaa shilkaasi ku dhimtay halka ay badbaadeen 10 kamid ahaa rakaabka, gaariga baska ah ayaana basbeelay kadib markii uu dab ka kacay.

Dhanka kale shil Bas oo kaasi lamid ah ayaa ka dhacay gobolka Wahakaa ee dalka Mexico, gaarigan Baska ah ayaana la rogmaday dadkii saarnaa, waxaana ku dhintay 18 ruux halka u uku dhaawacmay 1 qof.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan wadankaasi waxaana loo sababeeyaa waddo xukumo iyo gaadiidka oo ay darawalladu ku wadaan xawaare sare.

Tira koob la sameeyay ayaa lagu sheegay In celcelis ahaan sanadkii wadanka Mexico ay shilalka gaadiidka ugu dhintaan 15,000 [shan iyo toban kun] oo qof.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.