Thursday, June 5, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 30 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka...

In ka Badan 30 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa maanta xasuuq cusub kula kacay dad rayid ah oo gargaar raashin ah ku sugayay galbeedka magaalada Rafax ee Koonfurta marinka Qazza.

Tv-ga Al-Aqsa oo soo xiganaya kooxa gurmadka deg-degga ah ee Qazza ayaa xaqiijiyey, in 23 qof oo rayid ah ay maanta ku shahiideen, isla markaana lasoo daad-gureeyay dhaawaca in ka badan 200 oo qof, kadib duqeymo iyo rasaas ay ciidamada Yahuuddu la beegsadeen dadka ku sii jeeday Xarun gargaar laga qaybiyo oo ku taalla galbeedka magaalada Rafax.

Waana maalintii saddaxaad oo xiriir ah oo ay ciidamada Yahuuddu agagaarka xaruntaas ku taalla galbeedka magaalada Rafax, ku xasuuqayaan dadka rayidka ah ee macluusha iyo gaajada la daalaa-dhacaya.

Ismaaciil Thawabtah, oo ah agaasimaha guud ee xafiiska warbaahinta ee maamulka marinka Qazza, ayaa waraysu uu siiyay Aljaziira Net ku sheegay, in waxa ka socda galbeedka Rafax ay yihiin shirqool la doonaya, in rayidka la isugu keeno meel banaan ah si loo xasuuqa, iyadoo lagu gabanayo magaca gargaarka.

Waxa uu shaaca ka qaaday agaasimaha, in gargaar ku sheega laga qaybinayo galbeedka magaaalada Rafax ay dusha kala socoto shirkad Ameerikaan iyo Yahuud ah oo si buuxda ula shaqaynaysa ciidanka gumaystaha Yahuudda, kaas oo marka ay dadka kusoo aruuraan gobaha raashinka laga qaybinayo xasuuqiisa ka bilaabayo.

Agaasimaha guud ee xafiiska warbaahinta ee maamulka marinka Qazza ayaa tilmaamay, in tan iyo markii uu bilaawday gargaarka ay qaybinayaan xubnahaan ka socda shirkadda Ameerikanka ah 27-kii bishii Meey, ay in ka badan Afartan iyo sagaal qof oo rayid ah ku shahiideen halkaas, in ka badan Saddax boqol iyo Shan kalena lagu dhaawacay, taas oo uu sheegay, inay muujinaysa in ujeeddadeedu aysan ahayn gargaar bani Aadantimo, balse ay tahay shirqool la doonaya in dad badan lagu xasuuqa.

Sidoo kale, saddex qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, duqayn dhinaca cirka ah oo uu gumaystaha Yahuuddu la beegsaday teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta marinka Qazza.

Bartamaha marinka Qazza, dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegay, shahiidka hal qof iyo dhaawaca tiro kale, kuwaas oo ku waxyeeloobay duqeyn ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen teendho ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Deyrul-Balax.

Shan qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, tiro kalana waay ku dhaawacmeen duqeymo dhanka cirka ah oo diyaaradaha kayyaanka Yahuuddu ku qaadeen guri ku yaalla xaafadda Assabra ee ka tirsan magaalada Qazza.

Arimaahaan ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada Yahuudda ay maanta qirteen in saddex sarkaal looga dilay dagaallo ka dhacay waqooyiga magaalada Qazza Isniintii shalay, kadib markii baabuur ay la socdeen lagu beegsaday magaalada Jabaliya, oo ku taalla waqooyiga marinka Qazza. Halka ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah shaqaalaha dab damiska.

Warbaahinta Yahuudda ayaa goor sii horaysay sheegtay in saddex askari la dilay, 11 kalena la dhaawacay, kuwaas oo laba ka mid ah dhaawacoodu halis yahay, kadib markii baabuur nooca dagaalka ah oo ay la socdeen lagu beegsaday magaalada Jabaliya ee woqooyiga marinka Qaza.

Shalay ayay ahayd markii muqaawamada Falastii ay baahiyeen muuqaallo itus oo itaabsii ah oo lagu naafaynayo ciidamada cadawga Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.