Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 30 Ruux oo Ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka...

In ka Badan 30 Ruux oo Ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Kayaanka Yahuudda ee ay dowladaha reer galbeedka ku beereen dhulka Muslimiinta ee Falastiin ayaa halkiisa kasii wado xasuuqa iyo gumaadka uu ka wado jiidda Qazza, isagoo si gaar ah u beegsanaya goobaha lagu qaybiyo raashinka gargaarka ah.

Wararka maanta oo Arbaco ah naga soo gaaraya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in ciidamada Sahaayinada Yahuudda ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa meel u dhow xarun lagu qaybiyo raashin gargaarka ah oo ku taalla agagaarka Nabulsi ee galbeedka magaalada Qazza.

Sida ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan  marinka Qazza ay u sheegeen warbaahinta, waxaa rasaastaasi ku shahiiday in ka badan 25 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen Tobanaan kale.

Afar qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo uu leeyahay gumaystaha Yahuuddu ay duqeysay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza.

Sidoo kale Labo qof ayaa ku shahiiday kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo ay Yahuuddu galabnimadii shalay ku qaaday magaaladaasi.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuudda ayaa duqeysay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla meel u dhow deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis, halkaasi oo ay ku shahiideen laba qof oo rayid ah, 13 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay galabnimadii shalay tabiyeen warbaahinta Falastiiniyiinta.

Ilo wareedyo ku sugan isbitaalada Qazza ayaa sheegay, in tan iyo waaberigii shalay oo Talaado ahayd ay 82 qof oo shacab ah ku shahiideen duqeymaha uu guumaystaha Yahuuddu ka wado xayndaabka go’doonsan ee Qazza.

20 ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa si toos ah u toogtay ciidamada Yahuudda xilli ay sugayeen in ay helaan gargaar ka yimid xarun raashin lagu qaybiyo oo u dhow cirifka Natsaaariim ee galbeedka magaalada Qazza.

Arimahaan ayaa imaanaya, iyadoo gumaystaha Yahuudda uu gabood fallo isugu jira dilal, xarig, barakicin iyo burburin ka wado magaalooyinka ku yaalla Daant Galbeed ee ku hoos jirta gumaysigiisa.

Ciidamadii Yahuudda ayaana maanta isaga baxay magaalada Naabulis, kadib markii ay kusoo qaadeen duulaan socday 24-saac, kaas oo ay ku shahiideen labo qof Tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wariye halkaasi uga soo warama warbaahinta Al-jaziira.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.