Saturday, May 3, 2025
HomeWarka GudahaIn ka Badan 40 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo...

In ka Badan 40 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Hiiraan.

Dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa maanta ka dhacay duleedyada magaalada Moqokori iyo degaanka Tardo oo katirsan gobolka Hiiraan.

Khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac farabadan isugu jira, ayaa soo gaaray askarta Dowladda Fedaraalka, maadaama dagaalladu ahaayeen kuwo culus, dhowr jeerna ay jabeen.

Ugu yaraan 13 askari ayaa lagu dilay, waxaana lagu dhaawacay 30 kale, iyadoo ay suuragal tahay, inuu sii kordho khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee soo gaaray ciidanka Dowladda Fedaraalka, maadaama marba marba ka dambeysa uu isa soo tarayo.

Dagaalladani waxay kusoo aadeen, xilli ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay mudooyinkii lasoo dhaafay la wareegayeen degaanno muhiim ah oo katirsan gobolka Hiiraan, oo uu kamid yahay degaanka Yasooman iyo buurta istaraatiijiga ah ee halkaasi ku taalla.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.