Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 40 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo...

In ka Badan 40 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Sh-dhexe.

Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maanta ka dhaceen, deegaan katirsan gobalka Sh-dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalladaan oo in ka badan 3 jeer lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen, deegaanka Geelgub oo kamid ah deegaannada dhaca duleedka degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaasi lagu dilay 22 askari oo katirsan Dowladda Fedaraaalka, kuwaas oo 13 kamid ah meydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

Waxaa intaa dheer oo dagaallada lagu dhaawacay 21 kale, ciidankii la jabiyay ayaana iyagoo firxad ah waxa ay gaareen deegaanka Xaaji Cali ee duleedka degmada Cadale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.