Tuesday, April 29, 2025
HomeUncategorizedMaamulka Yahuudda oo in ka Badan 40 Qof ku Dilay Duqeymo uu...

Maamulka Yahuudda oo in ka Badan 40 Qof ku Dilay Duqeymo uu Geystay Marinka Qazza.

Gumeystaha Yahuudda ayaa maanta oo Talaado ah dhowr xasuuq oo ka dhan ah dad rayidk ah ka geystay marinka Qazza, taasoo qeyb ka ah majaazirta isir sifaynta ah ee uu ka wado marinka Qazza tan iyo 7-Oktoobar-2023-kii.

Waxaana lasoo warinayaa in saacadihii hore ee maant oo talaado ah ay xayndaabka go’doonsan ee Qazza ku shahiideen dad gaaraya 47 qof oo rayid ah, kadib markii ay gumaystaha Yahuudda bartilmaansadeen guryo, cooshado iyo goobo ay dad rayid ah ku kulunsanaayeen oo ku yaalla meelo kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza, sida uu soo tabiyay Wariye maydaani ah oo ku sugan halkaas.

Xogaha ayaa intaas ku daraya, in Yahuudda ay xasuuq ba’an kula kacday qoys deganaa meel u dhow Iskuulka Al-Aqsa ee ku yaalla deegaanka ASadhar Al-Gharbiy ee waqooyiga magaalada Khaan Yuunis, taasoo keentay in ay ku shahiidaan 8 qof oo shacab ah oo ay ku jireen saddex carruur ah iyo laba dumar ah, iyada oo aysan jirin hal ruux oo maanta ka nool qoyskaas muslimka ah, sida ay ku warameen goobjoogayaal halkaasi ku sugan.

Sidoo kale diyaaraha Yahuudda ayaa duqeymo la beegsaday deegaanka Qiizan Anajjar oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Khan Yuunis, waxaana halkaasi ku shahiiday labo ruux oo shacab ah.

Isla magaalada Khaan Yuunisa, Afar ruux ayaa ku shahiiday, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kadib  duqeymo ay diyaaraha cadawga Yahuudda ku garaaceen koonfurta magaaladaas, iyadoo intaasi lagu darayo, shan qof oo ku shahiiday weerar ay Yahuudda ku qaaday guri ku yaalla waqooyiga magaaladaas.

Dad aan tiradooda la garanaynin ayaa ku dhaawacmay duqeyn cirka ah oo ay Yahuudda la beegsatay guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseyraat ee bartamaha marinka Qazza.

Maamulka Yahuudda ee uu talada u haayo mujrimka dhiig yacabka ah ee lagu magacaabo Binyamiin Natanyaahu ayaa u muuqda inuu sii xoojinaya xasuuqa iyo isir sifaynta uu ku haayo ehelkeena uu cidlada ka helay ee reer Qazza, xilli ay malaayiin muslimiin ah isha ka daawanayaan gabood fallada uu gaysanaya maamulkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.