Dalka Iiraan ayaa lagasoo sheegayaa inuu ka dhacay shil sababay dhimashada iyo dhaawaca wax kabadan 50 qof oo Iiraaniyiin ah. Shilkan ayaana si gaara uga dhacay koonfurta dalkaas, waxaana inta la xaqiijiyay ku nafwaayay ugu yaraan 21 qof, halka ay ku dhawacmeen illaa 34 kale.
Shilkan ayaana ka dhashay bas rakaab siday oo si lama filaan ah ugu rogmaday deegaanka Kafar ee koonfurta dalka Iiraan, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee gobolka Faaris. Agaasimaha isbitaalka magaalada Kafar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu aad u liidato, suuragalna tahay in dhimashadu intaas ka badato.
Dalka Iiraan ayaa kamida wadamada ugu shilalka badan mandiqada ay ku magacaabaan Bariga Dhexe. Tirakoobyo ay sameeyeen qaar kamida hay’adaha dawladda ayaa sheegay, in celcelis ahaan shilalka sanadkii ay kor u dhaafaan toban Kun, kuwaas oo intooda badan sababa khasaare nafeed oo baaxad leh.