Wednesday, June 18, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 50 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo...

In ka Badan 50 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo ka Dhacay Suudaan.

Waxaa isa soo taraya wararka laga helayo magaalada Al-Faashir ee gobolka Waqooyiga Daarfuur oo dhacda galbeedka Suudaan, halkaas oo duqayn ay fuliyeen diyaarado daroonis ah oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan gudaha magaalada.

Weerarkan ayaana si gaar ah u beegsaday dhisme loo yaqaano Abu Xamra oo ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo barakacayaal ah, kuwaas oo ka cararay dagaalada culus ee sanadkii sadexaad ka socda magaaldan.

Wararka rasmiga ah ee laga helayo duqayntan ayaa tilmaamaya, in weerarkan uu sababay dhimashada 13 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 4 carruur ah, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 42 ruux oo ay ka mid yihiin 14 carruur ah, kuwaas oo qaar badan ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee gobolka Daarfuur ayaa sheegay, in weerarkan uu ahaa mid xooggan oo si ula kac ah loola beegsaday hoyga ay daganayaan dadkan barakacayaasha ah, iyaga oo uga digay maleeshiyaadka RSF beegsiga bareerka ah ee ay ku hayaan dadka marasta ah.

Xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan magaalada Al-Faashir ayaa ah mid si xumaanaysa tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay, xiligaas oo maleeshiyaadka RSF ay go’doomin adag kusoo rogeen magaalada, taas oo horseeday in ay gabaabsi noqdaan dhamaan waxyaabihii duruuriyaadka u ahaa nolosha. Raashinka, daawooyinka iyo wixii lamid aha ayaa dhamaan la joojiyay inay galaan gudaha magaalada, taas oo sii xumaynaysa xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan gudaha magaalada Al-Faashir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.