Dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maanta ka dhaceen, duleedka degmada Moqokori oo katirsan gobalka Hiiraan.
Dagaallada ayaa waxaa lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 19 askari ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Fedaraalka looga dilay dagaalladii maaanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori, kuwaas oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo C/raxmaan Xujaale.
Waxaa sidoo kale dagaalladaan lagu dhaawacay 42 kale, iyadoo lagu soo furtay hub rasaas iyo saanado millatari.
Kuwaani waa qaar kamid ah magacyada saraakiisha iyo askarta Dowladda Fedaraalka looga dilay dagaalladii maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.
1- Gaafow Shiilow- waa sarkaal waana la dilay.
2- Xasan Gambale- waa sarkaal waana la dilay.
3- Shiilow Abuukar Macow- waa askari waana la dilay.
4- Juquf Cali Cawaalle- waa askari waana la dilay.
5- Cabdi Maxamed -waa askari waana la dilay.
6- Cabdulle Daqare- waa askari waana la dilay.
7- Korneyl Cabdiraxmaan Xujaalle- waa taliyihii guutada 26aad ee qeybta 27aad ee ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxa uuna kamid ahaa saraakiisha lagu dilay dagaallada.