Tuesday, July 15, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 60 Askari oo Uganda Dhimasho & Dhaawac Kaga Noqday...

In ka Badan 60 Askari oo Uganda Dhimasho & Dhaawac Kaga Noqday Camaliyad Nafhurnimo ah.

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa camaliyad nafhurnimo ah oo maalintii shalay lala beegsaday, kolonyo katirsan ciidanka Uganda oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobalka Sh-hoose.

Naftii hore katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa uu camaliyadda la beegsaday, kolonyada katirsan ciidanka Uganda oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Sabiid ee gobalka Sh-hoose.

Khasaare culus oo isugu jira naf iyo maal ayaa ciidamada Uganda kasoo gaaray weerarkaan nafhurnimada ah, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in camaliyadda ay ku gubteen qaar kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidanka la beegsaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa camaliyadda lagu dilay 20 askari oo katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka.

Sidoo kale waxaa camaliyaddaan nafhurnimada ah lagu dhaawacay 43 askari oo katirsan isla ciidamada Uganda, kuwaas oo 10 kamid ah ay garaab yihiin.

Waxaa intaa dheer khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uusoo gaaray ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo wehlinayay Shisheeyaha Uganda ee ay camaliyaddu haleeshay.

Ugu yaraan 9 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa ku naf waayay weerarkaan nafhurnimada ah ee shalay ka dhacay duleedka deegaanka Sabiid ee Sh-hoose, halka lagu dhaawacay 8 kale.

Marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee gaaray Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka, waxaa camaliyadda lagu gubay 3 gaari oo midkood uu yahay Taaw, gaari Cabdi-Bile ah iyo gaari kale oo Haartoob ah.

Caamaliyaddaan ayaa kusoo aadeysa todobaadyo kahor sidaan oo kale isla aagaan ciidamada Uganda lagula beegsaday camaliyad nafhurnimo ah, taas oo lagu dilay 14 askari oo katirsan ciidanka Uganda, sidoo kalana lagu gubay gawaari taangiyo ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.