Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 70 Ruux oo ku Dhaawacmay Duqeymo uu Ruushka ka...

In ka Badan 70 Ruux oo ku Dhaawacmay Duqeymo uu Ruushka ka Fuliyay Dalka Ukraine.

Ruushka ayaa sii xoojiyay duqeymaha dhanka cirka ah iyo gantaallada uu la beegsanayo magaalooyinka ugu waa waawayn ee dalka Yukrayn, isagoona saacadihii lasoo dhaafay fuliyay duqeymo geystay khasaare aad u farabadan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Yukrayn.

Waxaana lasoo warinyaa, in duqeymo xooggan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay galabnimadii shalay ku qaadeen magaalada Kharkiif oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Yukrayn ay ku dhaawacmeen illaa 50 qof, sida uu bartiisa Telegaraamka kusoo qoray godoomiyaha gobalka Kharkiif nin lagu magacaabo Uuliig.

Waxa uu intaasi ku daray, in goobaha ay beegsadeen diyaaraha Ruushka uu ka kacay dab xooggan, kaas oo burbur lixaadleh u geystay dhismayaal la deganyahay, kaabayaasha rayidka iyo gaadiid. Isagoo hadalkiisi sii wata ayuuna yiri “kooxaha gurmadka waxa ay xalay oo dhan ka shaqeynayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen saameynta weerarkan, inkastoo laga cabsi qabo weeraro la mid ah kuwaan”.

Duqeymahan ayaa yimid saacado kadib weerar kale oo Ruushku uu ku qaaday koonfurta magaalada Zaaburiijiyaa ee isla dalkaas, kaasoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof.

Dhankiisa, Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski  ayaa cambaareeyay weerarada soo noqnoqda ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, kuwaas oo dhowr jeer todobaadkiiba bartilmaameedsanayo magaalooyinka ugu waawayn ee dalkiisa.

Waxa uu dhaleeceeyay jawaabta gaabiska ah ee xulafada Yukrayn ay ku xoojinayaan awoodda difaaca hawada ee Yukrayn, isagoona qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegaraam ku sheegay, in Ruushka si ula kac ah u duqeynayo guryaha dadka reer Yukrayn gaar ahaan markii ay habaynkii ku kulansanyihiin ama ay seexsanayaan caruurtooda. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Yukrayn waxay u baahan tahay difaac adag oo xagga hawada ah iyo go’aanno dhab ah oo ka yimaada Maraykanka, Yurub, iyo dhammaan kuwa nabadda doonaya,” ayuu raaciyay Zalaniski madaxwaynaha Yukrayn.

Weerarada Ruushka ee ka dhanka Yukrayn ayaa waxaa ku nafwaayay tobannaan qof toddobaadyadii la soo dhaafay, halka dad aad ufarabadana ay ku dhaawacmeen, iyadoo dowladaha reer galbeedka ay ku fashilmeen inay qaboojiyaan dagaalka u dhaxeeya labadan dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.