Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsIn Ka Badan170 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaalladii Duleedka...

In Ka Badan170 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaalladii Duleedka Moqokori.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo maalintii shalay ka dhacay duleedka magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, una dhaxeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee askarta Dowladda Fedaraalka ku gaaray dagaalladaasi ayaa sii kordhay wuxuuna marayaa in ka badan 170 askari oo isugu jira dhimasho dhaawac.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 66 askari oo ay saraakiili ku jiraan, halka dhaawacuna uu marayo 105kale.

Qaar kamid ah askartii lagu dilay dagaalladaasi shalay ka dhacay duleedka Moqokori, ayaa baraha bulshada lagu baahiyay sawirro muujinaya meydadkooda.

Tani ayaa ka dhigan khasaare culus oo mar qura dhabarka loo saaray Dowladda  Fedaraalka, iyo jab xooggan oo hal goob ku gaaray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.