Warar laga helayo magaalada Taciz ee ku taalla waqooyi-galbeed dalka Yaman ayaa sheegaya, in habeenkii xalay weerar culus lagu qaaday xarun shidaal oo ku taalla waqooyi-bari magaalada Taciz, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan toban qof oo shacab ahaa. Weerarkan ayaana loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo ay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalkaas aalaaba ku weeraraan xarumaha ay ku xoogan yihiin ciidamada dawladda ee uu fadhoodu yahaya magaalada Cadan.
Goobta la bartilmaameedsaday oo lagu magacaabo “Xarunta Shidaalka ee Al-Qudsi”, ayaa gabi ahaanba burburtay, waxaana qaraxan xooggan uu sidoo kale gubay guryo dhowr ah oo ku yaallay agagaarka xarunta la weeraray, sida ay sheegeen illo warbaahineed oo maxali ah.
Warbaahinta dowladda Yaman, gaar ahaan bogga “Sabtembar Net” ee Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay kooda Xuutiyiintu adeegsadaan ay si toos ah u beegsadeen haamaha shidaalka ee xarunta, taas oo keentay burbur baaxad leh iyo khasaare naf iyo maalba leh.
Ciidamada gurmadka degdegga ah ee dawladda ayaa gaaray goobta, kuwaas oo ku guuleystay in ay damiyaan dabka, isla markaana ay goobta kasoo saaraan dhamaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarka, kuwaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Taciz.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Xuutiyiinta oo ku saabsan weerarkan, inkasta oo ay horey u fuliyeen weerarro kale oo kuwan la mid ah oo ka dhacay gudaha magaalada Taciz, taas oo la rumeysan yahay inay tahay dadaal ay ku wiiqayaan maamulka dowladda ee uu haatan hogaamiyo Rashaad Maxamed Cilmi.
Xaaladda magaalada Taciz ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dagaalladii sokeeye ee dalka Yaman ka socday tan iyo sanadkii 2014-ka ay sababeen burbur baahsan iyo khasaare bani’aadanimo oo aan xad lahayn oo gaaray kaabayaasha ugu muhiimsan magaalada.